Imaam masaajid oo dirqi kaga baxsaday weerar ay ku qaadeen jameecadiisa

Imaam Masaajid oo caan ah oo ku sugan magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa lagu soo waramayaa in uu si dirqi ah kaga baxsaday dad caraysan oo doonayay in ay waxyeelaan.

Dadkan ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen banaanbaxayaasha kasoo horjeeda dowladda dalkaas, kuwaas oo Imaamka ku tuhmay in uu taageersanyahay madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

Muuqaal baraha bulshada lagu soo daabacay ayaa muujinayay dadka oo masaajidka dhexdiisa ku qeylinaya Imaan Cabdi Xayi Yuusuf, kuna leh “Ka kac meesha oo na hoggaamiye”, iyaga oo ula jeeda mudaaharaadka ka dhanka ah dowladda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker