Khudbad Sanadeedka Madaxweynaha JSL Ka Jeedin Doono Baarlamaanka iyo Qoddobada ugu Muhiimsan

Khudbad Sanadeedka Madaxweynuhu Ka Jeedin Doono Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland iyo Qoddobada ugu Muhiimsan ee Nuxurkeeda Laga Filayo.

Iyadoo Lagu Waddo in Maalinta Isniinta ah, ee Toddobaadkan uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ka horjeedin doono Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland Golaha Guurtida iyo Wakiilada Khudbad Sanadeedka Dastuuriga ah, Sidii Caadada u aheyd, Geedi Socodka Somaliland ayaa hadalhaynta Nuxurka Arimaha ugu muhiimsan ee Madaxweynuhu Kusoo Qaadan Doono Waxaa La Filayaa in ay Qeyb Ka Tahey, Socdaalkii Dublamaasiyadeed ee uu Ku tagey Dalkaasi Mareykanka.
Iyadoo ay tahey Markii u Horeysay, Tan
iyo intii Lasoo doortey Mudanayaasha Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland, oo Madaxweynuhu Khudbad u jeedinayo Golaha Guurtida oo ku Lamaan, Waxa uu Kusoo beegmay, Wakhti Golaha Wakiilada laf ahaantiisu Kasoo baxey Fasax ay Mudo ku maqnaayeen, Xili Somaliland gudagaleyso, isbadelo Siyaasadeed, oo Ku Wajahan in Nidaamka Xisbiyada Mar Kale looga Gudbi doono Furista Ururada Siyaasada, oo u Muuqda Mawduuc Siyaasi ah oo Lagu Kala Aragti Duwan Yahey, Islamarkaana, la Filayo in Siyaasiyiin hor lihi ay Ku Dhawaaqi doonaan Urur Siyaasadeed, iyo Waliba Shin Tirsiga Xukuumadda oo Madaxa la galey Shantii Sanadood ee la Doortey Madaxweynaha iyo Xukuumadiisaba.
Arimaha Shacabku sida Xiisaha leh uga Sugayaan Khudbada Madaxweynuhu ujeedinayo Labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland, Waxaa Qeyb ka ah Siyaasada Ku Wajahan Nidaamka Kala guurka ah ee Furista Ururada iyo Qorshaha, Kutagalka ah ee Dhinaca Xukuumaddu u asteysay qaabka looga Digaronayo, Sadexdii Xisbi ee hore, Sidoo kalena, Waxa iyana lahadlahyaa in Waxqabadkii Xukuumadda ee Mudada Shanta Sano ah, in iyana ay Qeyb Ka tahey Khudbada.
Sikasta, oo ay tahey, Waxa Kale oo Sida loo badinayo, Qeyb ka ah Khudbada Madaxweynaha Arimaha Doorashada iyo Xaalada Komishanka Doorashooyinka ee Xiligan iyo Duruufaha Siyaasadeed ee Ku Lamaan oo ah qoddobada sida aadka ah Loogu dhegtaagayo iyo Dabcan Xaaladaha Kale ee Wakhti Xaadirkan Dalku Ku Sugan yahey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker