Xaalad cakiran oo ka taagan Khan Yunis koonfurta Qasa

Wararka ka imaanaya koonfurta Qasa ayaa sheegaya in taangiyada Israa’iil ay galayaan magaalada halkaas oo maalmahaan duqeymo iyo dagaallo ay ka socdeen.

Arrintaan ayaa xaalad cakirnaan ah sii galineysa Khan Yuunis oo ah meel markii hore ay isugu tageen dadka ka soo barakacay qaybaha kale ee Qasa.

Dadka halkaa ku dhaqan ayaa wajahaya dhibaatooyin isugu jira cunto la’aan biyo la’aan iyo hoy la’aan, iyadoo sidoo kale ay ku socdaan duqeymo aan kala joogsi laheyn.

Waqooyiga Qasa ayaa waxaa sidoo kale ka socda duqeymaha ay gaysanayaan diyaaradaha Israa’iil iyadoo xaalad isku mid ah ay ka jirto koonfurta iyo waqooyigaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker