Jarmalka: Nin Soomaali Ah Oo Lagu eedeeyey Inuu Nin Darbi-jiif Ah Qoorta Ka Gooyey

Nin Soomaali ah  ayaa kasoo muuqday maxkamad ku taalla dalka Jarmalka, kaas oo lagu eedeeyay in 111 jeer uu tooriyeeyay, kaddibna uu madaxa ka jaray nin darbi-jiif ahaa.

Eedeysanaha oo hor taagan maxkamadda degmada Deggendorf, waa 22 jir la sheegay inuu falkaasi geystay bishii Julay ee sannadkii 2021.

Ninka weerarka geystay oo asalkiisu Soomaali yahay ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla qeybta dhimirka. Waxaana la sheegay in uu ku jiro xaaladda awood la’aanta jirka iyo maskaxda.

Si kastaba ha ahaatee, dacwad oogaha kiiska ayaa ninkan horgeyay maxkamadda, si loogu qaado dambiga, sida uu sheegay wargeyska Jarmalka ee Bild.

Saraakiisha booliska ayaa waqti badan ay ku qaadatay in ay xidhaan ninka, waxaana mid ka mid ah askarta uu ka dillaacay gacanta bidix intii lagu jiray qabashada eedeysanaha falka geystay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker