Erdogan muxuu Xamaas ku tilmaamay ?

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Xamaas ay tahay koox xoreyn ah oo dagaal ugu jirta si ay u difaacdo dhulkeeda.

Xamaas – ama xaaladaha qaarkood garabkeeda millatari – ayaa Israa’iil, Maraykanka, Midowga Yurub iyo UK, iyo sidoo kale awoodo kale u aqoonsadeen koox argagixiso.

In ka badan 1,400 oo qof ayaa lagu dilay weerarrada Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar.

Khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka Turkiga ayuu Erdogan ku sheegay inuu joojinayo qorshayaashii hore ee uu ku booqan lahaa Israa’iil.

Waxa uu sheegay in uu gacan qaaday Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, balse uu ku takri-falay ujeedadii wanaagsaneyd ee Turkiga.

Labada hoggaamiye ayaa bishii hore ku kulmay shir madaxeedkii Qaramada Midoobay ee New York – iyadoo xilligaas loo arkayay calaamad kale oo muhiim ah oo muujineysa inuu soo hagaagayo xiriirka dalalkooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker