Dhegayso:Warbixin ka hadlaysa Sooyaalka Taariikheed ee dhanka Afgambiyada ee soo Maray Dalka Suudaan

Boqolaal dadka reer Sudan ah oo u badan ardayda iskuulada ayaa weli mudaaharaadyo ka oogaya wadooyinka caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, iyagoo ka soo horjeeda dad lagu dilay magaalada El-Obeid, ee Caasimadda gobolka Waqooyiga Kurdufan.

Mudaaharaadyadan ayaa imaanaya iyadoo mucaaradku ay isniintii ka baxeen wajiga labaad ee wada hadallo ay kala yeelan lahaayeen Militariga Xukunka dalkaasi xoogga ku haysta, Dhawaanna waxay Milatariga iyo Kooxda matalaysa Bulshada Rayidka ah ay ku Heshiiyeen Awood Qaybsi Taasoo u muuqata mid imika Madmadaw soo galay.

Sudan ayaa taariikh ahaan waxaa lagu yaqaan miltari awoodda afgambi kula wareega. Hadaba warbixin aan dib ugu eegeyno taariikhda afgambiyada Sudan iyo xaaladda uu hadda dalkaasi ku jiro waxaa magaalada Qaahira ka soo diray Xuseen Saxnuuni.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker