Hooyada Dhashay Hogaamiyihii Ururka Al-Qaacida Oo Waraysi Lala-yeeshay

Waxaa markii ugu horreysay hadashay hooyada dhashay hogaamiyihii ururka Al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden. Bin laden hooyadii ayaa waxay sheegtay in wiilkeeda uu ahaa mid wanaagsan balse la duufsaday markii uu waxbarshada ku jiray islamarkana xagjir laga dhigay.

Wareysigii ugu horeyay oo ay siisay wargayska Guardian, ayay Alia Ghanem waxa ay sheegtay in uu wiilkeeda isbadalay markii uu ku biiray jaamacad ku taalla dalka Sacuudiga.

Waxa ay intaa ku dartay in ay uga digi jirtay in uu ku biiro kooxahan. Bin Laden ayaa la rumaysan yahay in uu isaga amray weerarkii 9/11, 2001 lagu qaaday Mareykanka iyo waliba howlgalo meelo kale oo caalamka ka dhacay. Balse hooyadii ayaa sheegtay in uusan waligii u sheegin waxyaabaha uu samaynayo sababtoo ah aad ayuu u jeclaa hooyadii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker