Raysal Wasarahii Ingiriiska Oo Laga Saaray Cisbitaalkii Lagaga Dabiibayay Covid-19

Raiisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa laga saaray cisbitaalkii lagaga dawaynayay caabuqa Coronavirus ee ku yaalay Magaalada London hospital kadib markii ay xaaladiisa Caafimaad soo wanaagsanaatay.

 

“Iyada oo la Tixgalinayo talada caafimaad ee ay dhaqaatiirtu bixisay Raysal wasarahu si dhaqso ah ugu laaban maayo shaqada, waxana uu waqti ku qaadan doonaa gurigiisa” ayuu yidhi Afhayeen u hadlay Dawladu.

 

Afhayeenka ayaa waxa uu intan daba dhigay “Raysal Wasaarahu waxa uu si mug leh ugu mahadnaqayaa dhamaan hawl wadeenada caafimaadka iyo cid walba oo ka shaqaysa cisbitaalka St Thomas, taas oo uu uga mahadnaqay daryeelkii heerkiisu sareeyay ee ay siiyeen intii uu cisbitaalkaas ku jiray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker