Man United Oo Go’aan Cusub Ka Gaadhay Lasoo Wareegidda Ciyaar yahanka Bruno Fernandes Ee Bisha Jeeniwary ee Sanaddak Dambe

Maamulka kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay markale go’aamiyeen haddii ay ku laaban doonaan tartanka xiddiga Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes oo si xoogan loola xidhiidhinayay suuqii xidhmay.

Xiddigan heer caalami ee xulka Portugal ayaa si xoogan loola xidhiidhinayay inuu Old Trafford soo gaadhi doono xagaagii balse waxa uu ugu dambayn go’aansaday inuu baaqi iskaga sii ahaado kooxdiisa.

Waxa intaas dheeraa in tartankiisa ay soo gashay Real Madrid iyadoo tababaraha kooxdaas ee Zinedine Zidane uu doonayay khad dhexe oo uu ku horumariyo kooxdiisa cadaadisna ku saaro Luka Modric iyo Bruno Fernandes.

Haddaba, Sida uu haatan sheegayo wargeyska Express Sport, Red Devils ayaa go’aansaday inaysan saxeexa 24 jirkan u dhaqaaqin January marka uu suuqu dib u furmo iyaga oo aaminsan in Real Madrid ay markale xiisihiisa kusoo laaban doonto.

 

Xaqiiqda ayaa ah in Man United ay wakhtigan u baahi qabto kubad sameeye ka ciyaaro booska No.10 kaddib qaab ciyaareedka aan wanaagsanayn ee Jesse Lingard oo aan wali wax gool ama caawimo ah diiwaan gashan xilli ciyaareedkan,

Warbixintan ayaa intaas ku daraysa in Man United ay u dhaqaaqi karto khadka dhexe ee Tottenham ee Christian Eriksen halkii ay dib ugaga laaban lahaayeen xiisaha Eriksen.

Eriksen ayaa isagu ahaa mid uu isha la raacayo tababaraha United ee Solskjaer suuqii xagaaga balse si lamid ah Bruno waxa uu go’aansaday inuu iska sii joogo kooxdiisa Tottenham.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker