Sahacabka Somaliland Oo Is-weydiinaya Shakhsiyaaad Mucaaradi Jiray Siilaanyo Oo Madaxweyne Biixi Ka Aamusay?

Siyaasiyiin badan oo miisaan ku lahaa saaxada siyaasadda Somaliland oo iskugu jira Mujaahidiin, Siyaasiyiin iyo Madaxweyne ku xigeenadii hore ee soo maray Somaliland,ayaa gebi ahaan-ba hadda si toos ah uga muquurta ka haddalka xaaladaha dalka ka jiray, kuwaas oo cahdigii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo ka hadli jiray xaaladaha ka alloosnaa dalka, isla markaana dhaliilo kala duwan dusha u saari jiray Xukuumaddaasi,iyagoo hadda ka muquurtay saaxada siyaasadda Somaliland tan iyo wakhtigii uu talada dalka qabtay Madaxweyne Biixi, waxaana la sheegayaa inuu jiro is fahan hoose uu dhex-maray Madaxweyne Biixi iyo xubnahaasi.

 

Siyaasiyiinta ka muquurtay saaxada siyaasadda Somaliland iyo ka haddalka xaaladaha dalka tan iyo wakhtigii uu hoggaanka dalka qabtay Madaxweyne Biixi, ayaa waxa kamid ah Odayaashii madasha wada tashiga iyo toosinta Somaliland isku bahaystay, kuwaas oo ay kamid ahayeen Mujaahid Xasan Guure,Mujaahid dhega weyne, Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi, Prof Cabdisalan Yaasiin iyo xubno kale, iyadoo ay xusid mudan tahay in Madashu ay wakhtigii Madaxweyne Siilaanyo talada dalka hayey inay ka hadli jireen xaaladaha dalka ka alloosan , isla markaana ay dhaliilo u jeedin jireen, waxaanay xuluufadaasi Madasha ku bahowday ay cahdigaasi ahayeen kuwa shirar saxaafadeed-yo is daba jooga qaban jiray oo ay ku dhaliili jireen Xukuumaddaasi Siilaanyo, haseyeeshee tan iyo wakhtigii uu Madaxweyne Biixi xilka qabtay ayey noqdeen kuwa ka gaabsatay ka haddalka xaaladaha dalka oo ay gebi ahaan-ba ka muquurteen.

 

Xoggo kala duwan oo laga hellayo illo wareed-yo kale gedisan ayaa sheegaya in odayaasha Madasha iyo Madaxweyne Biixi uu jiro is fahan hoose oo u dhaxeeya, kaasi oo ah in aanay Xukuumaddiisa ka hor iman isla markaana aanay dhaliil iyo toosan mid-na war-baahinta u marini, balse ay wixii talo iyo toosin ah si hoos isaga ula wadaagaan, isla markaana uu albaabkiisu u furan yahay xili kasta.

 

Dhanka kale kalene Siyaasi Cali Guray oo kamid ah isaga laftiisu siyaasiyiintii dhaliili jiray Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo , haseyeeshaa hadda afka ka xidhay Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa isagu arrintaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay Bogga Facbuuga uu ku leeyahay kaasi oo u dhignaa sidan “Maxmed Xaashi mee?  Boobe mee? Ibraahin Dhegawayne me? Caligurey mee? Raggan badankoodu CIRKIYO DHULKA MEEL DHEXDOODA AHOON DHANABA JIRIN BAY DHACDHACAYAANE ISKA DAAYA. Maxamed Xaashi isagu waa Muuse saaxiibkii muddo ayay kala baadeen malahase hadda dib ayaabay isu heleen. Mooyi ma hubo.”Ayuu ku yidhi Cali Gurey qoraalkiisa.

 

Dadka qaar ku tilmaamay qaar ka mid ah siyaasiintaas kor kusoo xusay inay ka tirsan yihiin kooxda lagu magacaabo HEEGO ee sida dhw ula taliya ama ugu xidhan Madaxweyne Muuse  Biixi .

Geesta kalene Madaxweyne ku-xigeenadii hore ee soo maray Somaliland ayaa iyana u muuqda wakhtigan kuwa ka muquurtay ka hadalka xaaladaha dalka iyagoo tan iyo markii uu Madaxweyne Biixi talada dalka qabtay ay yihiin kuwa aan ka haddal xaaladaha dalka, halka ay cahdigii Madaxweyne Siilaanyo isku bahaysan jireen ka haddalka xaaladaha dalka ka jira oo ay keli keli iyo wadar jirba uga hadli jireen xaalada dalku uu marayo , balse bulshada reer Somalilana ayaa ah hadda kuwa su’aalo badan iska weydiinaya waxaay uga aamuseen inay ka hadlaan xaaladaha kala jeedka ah ee dalka ka taagan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker