Taliska Ciidamada Maraykanka ee Bariga Africa oo sheegtay inay Laba Duqaymood ku Dhaaween Xubno ka Tirsan Shabaab

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in laba Jeer Duqaymo u Gaysteen   dhismo-yaal ay lee yihiin Ururka  Al-Shabab. Kaas oo ku yaalla  deegaanka Jilib ee gobolka Jubada Dhexe .

waxaanay sheegeen inay ku dhaaweceen laba ka mid ah maleeshiyadii Al-Shabab oo  halkaa ku sugnaa.

 

“Duqeymaha noocan ah, waa kuwo aan gacan uga geysanno ka hor tagista in Al-Shabab ay sameystaan meelo gabbaad u ah oo ay ka soo Abaabulaan weeraro dhimasho dhaliya oo ka dhan ah Mareykanka iyo Saaxibadiisa Bariga Africa,” sidaasina waxa qoraalka AFRICOM ku yidhi Gen. Bradford Gering, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Howlgalada ee Taliksa Milatariga Mareykanka ee Africa.

 

Qoraalka ayaa lagu sheegay in qiimeynta weerarkaasi ee uu Mareykanku ilaa iyo hadda sameeyay ay muujineyso in saldhigaasi ay Al-Shabaab lahaayeen la burburiyay, laba ka mid ah maleeshiyadii halkaa ku sugnaana ay dhaawacmeen.

 

Qoraalku waxa uu intaasi ku daray in ilaa iyo hadda aysan jirin cid rayid ah oo weerarkaasi wax ku noqotay.

Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah si joogta ah uga fuliya Soomaaliya iyagoo la beegsada maleeshiyada Al-Shabaab ee inta badan ku sugan gobolada jubbooyinka, shabeelooyinka iyo meelo ka mid ah gobolada dhexe, Baay iyo Bakool.

Waxaa kaloo ay duqeymo la beegsadaan maleeshiyada Daacish ee ku dhuumaaleysta buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker