Qaramada Midoobay oo Baaq cusub kasoo saartay Doorashada ka dhacaysa Soomaaliya

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa looga hadlay doorashada la filayo in dhawaan ka dhacdo dalka, waxa ayna Qaramada Midoobay ku baaqday in doorashada noqoto mid furan.

Qaramada Midoobay qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, ra’yiga, iyo isu imaatinka.

 

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay

Iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarineyso inay doorashooyin qabato, Qaramada Midoobay ayaa maanta sheegtay baahida loo qabo in la xaqiijiyo in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay ahaato mid furan, oo oggolaanaysa in la muujiyo codadka iyo aragtiyada kala duwan, taas oo qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Si taas loo gaaro, waa in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, ra’yiga, iyo isu imaatinka.

Saaxad siyaasadeed oo firfircoon waa midda oggolaanaysa isla markaana dhiirigelinaya ka qaybgalka dhammaan qaybaha bulshada – shaqsiyaadka muwaadiniinta ah, warbaahinta, bulshada rayidka ah, hay’adaha dowliga ah, iyo xisbiyada siyaasadeed, iyo kuwa kaleba.

Bulsho dimuqraadi ah waa inay oggolaato in si furan loo muujiyo aragtiyada kala duwan ee arrimaha siyaasadda, iyadoo xor ka ah xayiraad ama dhibaateyn, ”ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker