Madaxwaynaha Venezuela Oo Ka Digay In Dagaal Sokeeye Dalkiisa Ka Dhaco

Madaxwaynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa ka digay in dalkiisa uu ka dhaco dagaal sokeeye kadib markii uu sheegay in ay socdaan dadaalo badan oo ladoonayo in xilka looga qaado.

 

Wareysi gaar ah uu bixiyay hogaamiyaha Juan Guaidó Venezuela ayuu ku sheegay in uusan masuul ka hayn dagaal sokeeye oo ka dhaco dalkiisa.

 

Mr Maduro ayaa sidookale madaxwaynaha mareykanka Donald Trump ku eedeeyay in uu dalka Venezuela ka hurinayo dagaal uu dhiig badan ku daato.

 

Madaxwaynaha mareykanka ayaa dhawaan sheegay in ay haddii loo baahdo faragalin milatari oo ay ku sameyn doonaan dalka Venezuela.

 

Mareykanka ayaa taageero hogaamiyaha mucaaradka Venezuela oo si’iskiis ah bishii lasoo dhaafay iskugu magacaabay in uu yahay madaxwaynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi.

 

Inkabadan 20 dowladood oo ay horboodeyso dowlada mareykanka ayaa sidooklae taageero u muujiyay hogaamiyaha mucaaradka Venezuela.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker