Dawlada Maraykanka Oo La Filaayo Inay Dhaqan-galiso Cunaqabatayn Ay Kusoo Rogtay Iiraan

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in Dawlada Maraykanku bilowdo dhaqan-gelinta cunaqabateyn dhaqaale oo ay kusoo rogeen wadanka Iran.

Cunaqabateyntan oo daba-socota burburintii Maraykanka ku sameeyey heshiiskii Nukliyeerka Iran ee la saxiixay 2015, heshiiskaasi oo ay weli taageersan yihiin Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay.

Maraykanka ayaa kaligiis go’aansaday inuu ka baxo heshiiskaasi oo ay qeyb ka ahayd qaadista cunaqabateynta dhaqaale ee saaran xukuumada Tehran.

Xukuumada Trump ayaa dooneysa inay cadaadis dhaqaale saarto Xukuumada Iran, si khal khal siyaasadeed iyo kacdoon shacab looga abuuro gudaha wadanka Iran, waxayna sheegeen inay gorgortan la geli doonaan Dowlada Iran hadii ay joojiso dhaq dhaqaaqa ay ka wado Bariga dhexe iyo waxa ay ugu yeereen maalgelinta kooxaha argagaxisada.

Dalalka Sacuudiga, Imaaraatiga iyo Israel oo xiriir fiican laleh Xukuumada Trump ayaa muddo dheer olole ugu jiray burburintii heshiiskii lala galay Iran, isla markaana si weyn u taageersan cunaqabateyntan.

Xayiraada ugu weyn ayaa lagu soo rogay wax soo saarka batroolka Iran, wuxuuna Maraykanka ku goodiyey inuu xayiraad saari doono shirkada ama dalka ganacsiga dhanka Batroolka la sameeya Iran, waxayse si gaar ah uga reebeen 8 wadan oo ay sheegeen inay sii wadan karaan ganacsiga ay Iran la leeyihiin ee shidaalka, waxaana kamid ah dalalka China, Ruushka, Koonfurta Kuuriya, India iyo Turkiga oo iyagu horey u sheegay inaysan joojin doonin shidaalka ay kasoo gataan Iran.

Cunaqabateynta ayaa sidoo kale la saaray shirkadaha waaweyn ee qalabka sameeya ee uu leeyahay dalka Iran, Bangiga dhexe ee Tehran, shirkadaha Maraakiibta iyo dekkadaha wadankaasi.

Axadii shalay ayey kumanaan kun oo shacab ah banaanbax looga soo horjeedo Maraykanka iyo Israel ku qabteen caasimada Iran ee Tehran, waxayna shacabkaasi sheegeen in ololaha uu wado Maraykanka ee ka dhanka ah dalkooda uu sii-mideyn doono shacabka reer Iran

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker