Macalin u dhashay Hindiya oo Mutaystay Abaalmarin Gaadhaysa 1 Milyan oo $

Macallin kasoo jeedaa tuulo ku taala dalka Hindiya ayaa lagu abaalmariyay dedaal uu sameeyay.

Macallinkan oo helay Abaalmarinta caalamiga ee macallimiinta la siiyo ayaa lagu ammaanay sida uu uga shaqeeyay waxbarashada gabdhaha.

Ranjitsinh Disale oo la siiyay lacag dhan hal milyan oo doollar ayaa markii lagu dhawaaqay in uu yahay macallinka Sanadka waxaa uu kalabadh lacagtii la siiyay uu sii siiyay macallimiintii kale ee soo galay kaalimaha hore.

Guusha Mr Disale waxaa ku dhawaaqay Stephen Fry oo ka tirsan Hey’adda bixisa abaalmarinta, waxaana natiijada lagaga dhawaaqay qaab fogaan arag ah sababa la xidhiidha faafidda cudurka corona.

Macallin Disale oo wax ka dhiga iskoolka hoose dhexe ee Zilla ee ku yaala dhulka oomanaha ee tuulada Paritewadi ee Gobolka Maharshtra ee galbeedka dalka Hindiya ayaa loo Aqoonsaday in uu yahay macallinkii ugu Wanaagsanaa Sanadkan sii dhammaanaya.

Tartanka waxaa ka qeybgalay ilaa iyo 12 kun oo macallimiin ah, kuwaas oo laga soo dhex xulay macallinka reer Hindiya ee guuleystay.

“Xilligan adag, macallin walba waxaa uu ku dedaalayaa sidii uu u xaqiijin lahaa in arday walba uu helo waxbarasho wanaagsan”, ayuu yiri Mr Disale kadib markii lagu dhawaaqay in uu yahay Guuleystaha.

Macallimiinta ayuu sheegay in marwalba ay Aaminsan yihiin inay wax bixiyaan oo ay dadka kale wax la wadaagaan, waxaana xilligaas uu ku dhawaaqay in kala bar lacagta abaalmarinta loo siiyay oo gaareysa 500 oo kun oo doollar uu siinayo tobanka macallimiin ee kale ee kusoo xigay isaga.

Macallinkan reer Hindiya ayaa waxyaabaha sida gaarka ah loogu soo xushay waxay guddiga abaalmarinta bixiyay ku sheegeen in uu dhexda u xirtay sidii gabdhaha danyarta ah ee aan heysanin waxbarasho ay wax u baran lahaayeen, una heli lahaayeen natiijo wanaagsan halkii laga Guursan lahaa iyagoo da’yar.

Dalka Hindiya oo keliya ma ahan meelaha laga dareemay wanaagga macallinka ee sidoo kale wuxuu habka fogaan aragga wax ku bara arday kala joogta 83 wadan oo caalamka, wuxuuna sidookale hogaamiya mashruuc isku xira da’yarta joogta dalalka ay collaadaha ka jiraan.

Guddiga abaalmarinta bixiyay ayaa sheegay in macallimiinta ay gacan weyn ka geysteen waxbarashada xilligan adag oo uu dunida saameeyay xanuunka corona.

“Feyraska corona wuxuu saameyn ba’an ku yeeshay hannaanka waxbarashada ee dunida oo dhan balse waxtarka macallimiinta ayaa sababay in xilligan adag ay wax isbadelaan” ayuu yiri Stefania Giannini oo ah agaasime ku xigeenka guud ee hey’adda UNESCO oo bahwadaag la ah hey’adda abaalmarinta bixisay ee Varkey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker