Taliska Socdaalka Somaliland oo Mudo u Qabtay Ajaanibta Sharci Darada Ku Joogta inay Kaga Baxan Dalka

Taliska Ciidanka Socdaalka Jamhuriyadda somaliland wuxuu ku wargalinayaa Ajaanibka Sifo Sharci daro ah ku jooga dalka Somaliland in ay kaga baxaan muddo Labatan (20) cisho ah oo ka bilaabma 28/07/2022 ilaa 17/08/2022.
Sidoo kale waxaa lagu wargalinaya shirkadaha, Hayadaha iyo Ganacsata ay ka hawl’galaan shaqaale ajaanib ah, in ay ka shaqeeyan oo qudha ajaanibka haysta dalkujoog sax ah (Visa ama Qaxoonti).
Waxaa looga digaya goobta ganacsi, shirkad ama haayad ee lagu helo shaqaale bilaa sharci ku jooga dalka jamhuriyadda somaliland oo ka shaqeenaya, in laga qaadi doona talaabo sharciga waafaqsan mulkiilaha goobtaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker