Taliye ka tirsan Booliiska Somaliland Oo lagu dilay degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag

Taliyihii saldhiga Booliiska degmada Gar-adag laba xiddigle, Cabbaas Maxamed Diiriye, ayaa lagu dilay degaan u dhow degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag, sida warbaahintu ka soo xigatay goob-joogayaal.

 

Marxuum Cabbaas ayaa lagu dilay degaanka God-hileey oo hoos taga degmada Gar-adag, inkastoo aan faahfaahin dheeriya laga helin sida dilkaas u dhacay.

 

Warbaahinta qaarkood ayaa sheegay in taliyaha lagu dilay halkaas xilli uu hawlgal ciidan ku jiray.

 

NAALILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan saqadhi isagoo ku hadlaaya afkiisa iyo ka Ciidan Weynaha Booliska JSL wuxuu Tacsi u dirayaa L/xle Cabaas Maxamed Diiriye Oo ahaa Taliyaha Saldhiga Dagmada garadag oo gacan ka xaq darani Ku dushay Deegaanka God heeli Dagmada Garadag Ee Gobalka Sanaag.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa Sarakishii Dhawaan u soo baxday Ciidanka Booliska Somaliland kaas oo ciidanka ka soo galay Barnaamijkii shaqo qaran.

Taliyaha ayaa marxuumka ku sifeeyay Inuu ahaa sarkaal daacada oo shaqada qaranka kaalin weyn kaga jiray

Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSl

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker