Dal soo saaray sharci mamnuucaya cunista iyo iibinta hilibka Eeyaha

Kuuriyada Koonfureed ayaa meelmarisay sharci cusub, kaas oo ujeedkiisu yahay in la joojiyo gawraca iyo iibinta hilibka eeyaha marka la gaaro 2027-ka.

Sharcigan ayaa ayaa meesha ka saaraya caado qarniyo badan soo jirtay oo ku saabsan cunista hilibka eeyaha.

Kuwa Eeyaha qasha waxay wajihi karaan saddex sano oo xarig ah, halka dadka hilibkooda iibiya ama u dhaqda in ay sii iibsadaan ay ku mutaysan karaan laba sano oo xarig ah.

Sharcigan cusub ayaa dhaqan galkiisu qaadan doonaa muddo saddex sano ah, isagoo beeralayda iyo milkiilayaasha makhaayadaha siin doona waqti ay ku helaan ilo kale oo shaqo iyo dakhli.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker