Ra’isulwasaaraha dalka Haiti Oo Loo Haysto Dilka Madaxweynihiisa

Ra;isulwasaaraha dalka Haiti Mr. Ariel Henry ayaa laga hor istaagay in uu ka boxo dalkaasi xilli uu ku socdo baaritaan la xiriira dilkii loo gaystay madaxweynihii Haiti Jovenel Moise.
Dacwad oogaha guud ee dalkaasi ayaa dacwado kusoo oogay Ra’isulwasaaraha, wuxuuna doonayaa in uu ka jawaabo su’aalo la xiriira dilka madaxweynaha.

Waxaa soo baxay caddeymo muujinaya in Ra’isulwasaaraha uu taleefoon saacad kadib dilka kula hadlay mid ka mid ah dadka dilka madaxweynaha lagu tuhunsanyahay, Joseph Felix Baidio.

Ra’isulwasaare Henry ayaa xilkii ka qaaday dacwad oogaha , Bed-Ford Claude, isaga oo ku eedeeyay xil gudasho la’aan.

Balse waxa ay u muuqataa dacwad oogaha ayaa xafiiska kusii nagaaday kadib markii wasiirka caddaalada dalkaasi uu siiyay ciidamo booliis ah oo dheeraad ah oo illaaliya amnigiisa.

Waxaa la sheegay in Ra’isulwasaaraha uusan sharciyad u lahayn in uu xilka ka qaado dacwad oogaha.

Rag hubaysan ayaa bil ka hor gurigiisa ugu dhacay madaxweynaha, kaas oo ku yaala magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince, kadibna meesha ku dilay, taasina waxa ay keentay in dalkaasi uu galo qalalaase siyaasadeed.

Qaabkee loo khaarijiyay madaxweynaha Haiti?
Calooshood u shaqeystayaashii dilay madaxweynaha Haiti
Sida ku cad diiwaanka wicitaanada taleefoonada ee laga heley shirkadda isgaarsiinta dalkaas ee Digicel, waxaa xiriir isgaarsiineed uu dhexmaray Ra’isulwasaaraha iyo Mr. Badio oo ah sargaal ka tirsan wasaaradda caddaalada , kaas oo ka mid ah ragga ugu muhiimsan ee loo haysto in uu dilka madaxweynaha qorsheeyay.

Waxaa diiwaanka ku cad in Mr. Henry uu labo jeer taleefoonka kula hadlay Mr. Badio waxyar kadib dilka madaxweynaha.

Sida ay muujinayso xogta dayaxgacmeedka , Mr Badio oo dalka ka baxsaday waxa uu Ra’isulwasaaraha kala hadlay meel u dhow madaxtooyada, isla xilligii uu dilka dhacayay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker