Raiisul wasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka Khaarajiga Dalka Ruushka oo Kulan Muhiim Ah yeeshay

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Sidoo kale hada ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya .

 

Oo booqasho ku jooga dalka Ruushka ayaa la kulmay Wasiirka Arimaha Debadda Ruushka Sargaylavrov.

 

Kheyre iyo Wasiirka Arimaha Debadda Ruushku Sergey oo Yeeshay  kulan gaar ah, ayaa kaga Wafahadlay  Xidhiidhka labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka iyo isbadalada dhaqan dhaqaale ee ka socda Geeska Afrika.

 

”Waxaan maanta kulan qado Sharaf ah la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergey Lavrov, oo aan ka wada hadalnay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka,

 

iyo sidoo kale xaaladda guud ee gobalka Geeska Afrika. Waxaan si qoto dheer isaga wareysannay isbaddallada Dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka ka socdo.” ayuu yidhi Musharax Kheyre.

 

 

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre hadana ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa olole siyaasadeed kawada dalka dibadiisa, waxaana la filayaa in uu gaadho wadamo kale lana kulmo madax kala duwan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker