Dadka raba inay tagaan Mexico oo digniin loo jeediyey

Maamulka gobolka Texas ee dalka Mareykanka, ayaa kula taliyay muwaadiniinta Mareykanka inaysan u safrin dalka Mexico, inta lagu guda jiro fasaxa Gu’ga sababo ammaan dartood.

Waaxda Badbaadada Dadweynaha Texas (DPS), ayaa sheegtay in rabshadaha kooxaha Daroogada, ay ku yihiin haatan khatar weyn, qof kasta oo u gudbaya Mexico.

Waxay ku soo beegantay ka dib markii afar Maraykan ah la afduubay, wax yar ka dib markii ay ka soo gudbeen xadka usbuucii hore.

Laba ka mid ah waa la dilay, halka labo la sii daayay iyagoo bad qaba.

Saddex dumar ah oo Maraykan ah oo u aaday dalka Mexico si ay dhar uga soo iibsadaan suuq, ayaa la la’yahay in ka badan laba toddobaad.

“Rabshadaha kooxaha daroogada iyo fal-dembiyeedka kale waxay ka dhigan yihiin khatar weyn oo dhanka ammaanka ah, qof kasta u gudba dalka Mexico waqti xaadirkan,” ayuu yiri agaasimaha waaxda badbaadada dadweynaha Texas, Steven McCraw.

Mas’uuliyiinta Mexico ayaa rumeysan in xubnaha burcadda ah ay ku khaldeen dadka Mareykanka ah kuwa ay xafiiltamaan, oo ay toogteen markii ay isku dayeen inay baxsadaan.

Dhacdadan ayaa khatar ku ah xiriirka labada dal.

Senatar ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa ku booriyay maamulka madaxweyne Joe Biden inay oggolaadaan in ciidamo Mareykan ah la geeyo xadka, si ay ula dagaalamaan jabhadaha.

Madaxweynaha Mexico Andrés Manuel López Obrador, ayaa ku tilmaamay soo jeedintaasi “Isla weyni”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker