Qaban-qaabada Iyo Udiyaar Garawgii Ugu Danbeeyay Doorashada Puntland Oo Ka Socta Deegaannadaasi.

Garoowe-(OWN)-Magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Puntland waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo siyaasadeed  iyo diyaar-garoow loogu jiro doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo kan madaxweynaha.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii la dhaariyay xidhibaannada cusub ee la soo xulay oo ka kooban 66 mudane, iyaga oo isla maalintii shalay iska dhax doortay guddoomiye ku-meel-gaar ah.

Durbaba waxaa jira musharixiin isku soo taagay qabashada xilka guddoonka Golaha Shacabka kuwaas oo ku dhawaaqay musharaxnimadooda.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka, waxaana xigi doona doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka.

Puntland waxaa ku sugan hadda musharixiin dhowr ah oo dhamaantood u taagan qabashada xilka ugu sareeya maamulka (Madaxweyne) waxaana muuqata in dhamaantood marka laga soo tago Cabdiwali Gaas ka mideysan yihiin in markan Puntland isbadal dhinaca hoggaanka ah uu ka dhaqan-gallo.

Laakiin madaxweynaha imika tallada haya Cabdiwali Gaas oo musharax ah ayaa u muuqda in uu ku dadaallayo mar kale sidii uu ugu guuleysan lahaa doorashada, isaga oo sheegay in muddadii uu joogay wax-badan uu ka qabtay arrimaha Amaanka, Siyaasada, Kaabayaasha bulshada, lana siiyo fursad kale oo uu ku dhameystiro howlaha qabyada ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker