Yuusuf Garaad Oo ka Hadlay Shacbiga Ciidamada Dawladu Ay ku Xaquuqeen Magaalada Muqdisho

Muqdisho (OWN) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay dibad-baxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, ee ay sameeyeen dhallinyaro cadhaysan.

 

 

“Dhallinyarada ka cadhaysan dilkii xalay ee laba ayaga ka mid ah, isma weydiinayo waxa carada ka keenay. Waxaanse dhallinyarada ugu baaqayaa in ay is dejiyaan, dhowraan nabadgelyada iyo xasilloonida, kana fogaadaan rabshado uu khasaare hor lihi ka dhalan karo,” ayuu yidhi Yuusuf Garaad.

 

 

Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale ka hadlay qaladkii ay dowladda sameysay ee ahaa in saacadda bandowga uu billaabanayo ay ka dhigto 7-da habeennimo, inkasta oo ay taas ay hadda bedeshay.

 

 

“Dad maalin oo dhan basaska fuushan, xafiisyada tuban, suuqyada isdhex socda, kubbad cayaaraya, masaajidda hawiran, qaraaba salaan iyo bukaan booqad ku jira, xikmad ma aha marka ay afuraan 49 daqiiqo ka dib guryaha kama bixi kartaan in lagu yiraahdo,” ayuu yiri.

Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad.

 

 

 

Dhallinyarada ka careysan dilkii xalay ee laba ayaga ka mid ah, isma weydiinayo waxa carada ka keenay.

Waxaanse dhallinyarada ugu baaqayaa in ay is dejiyaan, dhowraan nabadgelyada iyo xasilloonida, kana fogaadaan rabshado uu khasaare hor lihi ka dhalan karo.

 

 

Askarigii dilka geystay waa xiran yahay, kolleyna waa Maxkamad suge, rabshadaha ha la joojiyo.

 

Booliisku inkasta oo uu isagu sabab u yahay falka kiciyay rabshadda, haddana waan ku bogaadinayaa qaabka uu maanta isu xakameeyay markii ay rabshaduhu dheceen.

 

 

 

Madaxda waxaan ugu baaqayaa in aan fiirsi la’aan darteed la iska hor keenin booliiska iyo shacabka. In la miisaamo faa’iidada ka hortagga ee ay leedahay bandowgu, waaba haddii uu shaqeynayee, iyo culeyska uu bulshada ku hayo oo khasaare keenay.

 

 

 

Dad maalin oo dhan basaska fuushan, xafiisyada tuban, suuqyada isdhex socda, kubbad cayaaraya, masaajidda hawiran, qaraaba salaan iyo bukaan booqad ku jira, xikmad ma aha marka ay afuraan 49 daqiiqo ka dib guryaha kama bixi kartaan in lagu yidhaahdeen.

 

 

Xalay waxaan indhahayga saaray safaf bandowmoog ah oo isu soo baxay oo garabka isku haya wakhti badan oo Taraawiix tukanaya. Xaafado kalena waa la ii sheegay in taraawiix la tukaday.

 

 

Wacyi-gelintu marka ay shaqeyso, dadku is dhowrayaan, una hoggaansamaan in  guryahooda joogaan ayaa booliisku celin karaa dad fara ku tiris ah oo waddada socda.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker