Dawladda Turkiga oo billaabaya howl-galka Syria kadib bixitaanka Mareykanka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin inay daqiiqad kasta billaabaaan howl-gal ka dhan mintidiinta Kurdish-ka ee dalka Syria kadib markii dowladda Mareykanka ay sheegtay inaysan is-hortaagi doonin.

 

“Waxaa jirta oraah aan mar kasta dhahno: waxaan iman karnaa habeenkii aan doonno innaga oo aan ogeysiin bixin” ayuu Erdogan u sheegay weriyayaasha.

“Waa wax aanay su’aal ka taagneyn inaan usii dulqaadanno halista nooga imaneysa kooxaha argagixisada.” Ayuu yidhi Erdogan isaga oo tixraacaya mintdiinta Kurdish-ka.

 

Aqalka Cad ayaa axaddii sheegay in Turkiga “ay dhowaan ku dhaqaaqi doonaan howl-galka muddada la qorsheynayey” ee waqooyiga Syria.

“Ciidamada Mareykanka ma taageeri doonaan, kamana qeyb-qaadan doonaan howl-galka, sidaas darteedna, maadaama ciidamada Mareykanka ka adkaadeen Daacish, masii joogi doonaan halkaas,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Aqalka Cad kadib wada-hadal taleefon oo dhex-maray Trump iyo Erdogan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker