Dacwad ka dhan ah Netanyahu Lana Xidhiidha kiis musuqmaasuq oo ka furantay Israel

Maxkamadeyn la xidhiidha kiis musuqmaasuq ah oo ka dhan ah ra’iisul-wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa furantay maanta oo Axad ah.

Waa ra’iisulwasaarihii ugu horreeyey ee Israeli ah oo wajahaya eedeymo danbiyeedyo ay kamid yihiin khayaano, jebinta kalsoonida iyo aqbalaadda laaluush.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu isbadal xagga sharciga ah u sameeyey xarun warbaahineed, taas bedelkeedana ay warbaahintaasi tebin doonto warar aan xanaf laheyn oo ku saabsan xafiiska ra’iisulwasaaraha.

Netanyahu, oo ah madaxa xisbiga dhanka midig ee Likud party, ayaa beeniyey dhammaan eedaha lagu soo oogay, isaga oo ugu yeeray dacwadda isaga ka dhanka ah wax ay soo dhoodhoobeen kooxaha dhanka bidixda.

Maxkamad ayaa bilaabatay hal toddobaad uun kadib markii Netanyahu loo dhaariyay xafiiska ra’iisulwasaarenimo markiisii shanaad oo ah wax aan horay uga dhicin Israel.

Netanyahu ayaan dooneyn inuu yimaado maxkamadda maanta oo Axad ah, laakiin Maxkamada Degmada Jerusalem ayaa toddobaadkii hore xukuntay in ay lama huraan tahay in ra’iisulwasaaruhu uu soo xaadiro fadhiga maxkamadda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker