Somaaliya iyo Itoobiya oo War-Saxaafadeed wadajir ah soo wada saaray

Wasiiru dowlaha ganacsiga iyo isdhexgalka Bariga Afrika ee Itoobiya Mudane Denge Boru iyo Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa maanta si rasmi ah u daah furay wada-xaajoodyo ganacsi oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

1-Wasiirradu waxa ay isla garteen muhiimadda ay wada-hadalladan u leeyihiin shaqo abuurka iyo maalgashiga dhinacyada ganacsiga iyo warshadaha labada dal, waxayna go’aansadeen in la bilaabo wadatashiyo ku aaddan xoojinta xiriirka Ganacsi.

2-Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bilaabayaan wada-xaajood ku saabsan yagleelidda heshiis ka ganacsiyada isaga kala goosha xuduudaha iyada oo ujeedadu tahay in la fududeeyo badeecooyinka muwaadiniin ta labada dal iyo in la yareeyo ganacsiga aan rasmiga ahayn ee xuduudaha.

3-Labada wasaaradood waxa kale oo ay ka wada hadleen oo ay heshiis ku ku gaareen in ay wadahadlaan kadibna ay kala saxeexdaan heshiis ganacsi oo laba geesood ah kaas oo kaabaya dadaallada isdhexgalka gobolka iyo Afrika oo ay ka mid yihiin Suuqa Iskaashiga Ganacsiga ee Bariga & Koofurta Afrika ee COMESA iyo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA).

4-Labada Wasiir waxa ay kaloo ku heshiiyeen in la dhiso guddi ganacsi oo isku dhaf ah oo fududeeya shuruudo lagu sii xoojinayo xiriirka ganacsi ee labada dal iyo kordhinta mugga ganacsiga.

5-Wasiirradu waxa ay isla asteeyeen hawlaha mudnaanta leh ee kor u qaadaya isku xirka ganacsiga & dhiirrigelinta isdhaafsiga ganacsi ee labada dal. Sidaa awgeed, Wasiirradu waxay isku raaceen in la fududeeyo abaabulka golayaasha ganacsiga, isdhaafsiga khubarada iyo barnaamijyada khibrad-wadaagga.

6-Laba dhinac waxa ka go’an natiijo guulaysata oo ka dhigaysa shaqaalaha, beeralayda, iyo ganacsatada labada wadanba kuwo barwaaqooba.

Ugu danbeyn, Mudane Khaliif Cabdi ayaa ku casuumay dhiggiisa Itoobiya Mudane Denge Boru iyo Wafdigiisa in ay booqasho ku yimaadaan magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker