Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Caafimaad ee Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya

Waxaa la sheegay inay aad u fiican tahay xaaladda Caafimaad ee Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Macalimoow oo qarax Ismiidaamin ah lala beegsaday Gaari uu watay.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Macalimow Ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu beegsaday, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimoow ayaa dhowr jeer oo hore ka badbaaday qaraxyo lala beegsaday Goobo uu ku sugnaa.

Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay faah faahin ka biixyaan qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka qaraxa ah ee lala beegsaday Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker