Somaliland oo Caddeysay Qaabka ay Xooluhu Sannadka uga Dhoofayaan Dekedda Berbera

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa daboolka ka qaaday in xoolaha somaliland ay si rasmi ah ugu dhoofayaan waraaqaha cadaynta ah ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo rugta ganacsiga.

 

Guddoomiye Jamaal Caydiid wuxuu  sheegay in  xoolihii ka dhoofi jiray Somaliland sidoodii ay u dhoofayaan oo aanay wax isbadal ah ka hayn ganacastadii Sucuudiga ee xoolaha qaadan , islamarkaana xoolaha sanadkan ka dhoofaya somaliland ay u dhoofi doonaan sidii hore ay ugu dhoofi jireen wadanka sucuudiga.

 

Waxa sidoo kale Guddoomiyuhu uu taageeray mawqifkii Xukuumadu ay qaadatay warkii sheegayay in xoolaheenu aanay ka dhoofayn  dalka, halka sidoo kale uu ammaanay  doorkii ganacstadu ay qaadatay isla go’aankaas, waxaanu intaa ku daray in xoolaha Somaliland ugu dhoofa dibaddu in ay ku dhoofaan shahaadooyinka ay bixiyaan wasaaradda xannaanada xoolaha iyo rugta ganacsiga Somaliland .

 

Gabagabadii waxa uu Guddoomiyuhu bulshada Somaliland iyo ganacsatadba u caddeeyay in warka ay ka hayaan ganacstada carbeed ee ganacsiga la leh Somaliland inuu yahay mid xoolaha dekedda Berbera ka dhoofayaa in ay kaga dhoofayaan waraaqaha caddaynata Wasaaradda Xannaanada xoolaha Somaliland iyo Rugta ganacsiga.

 

Related image

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker