Jadwalka cusub Doorashada Xildhibaanada labada Aqal Ee Soomaaliya oo la shaaciyay

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal ee Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka doorashooyinka ee Baarlamaanka Labada Aqal.

Si waafaqsan mas’uuliyadda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF) ka saaran hirgelinta doorashooyin degdeg ah, waqtigooda ku dhaca, xor iyo xalaal ah iyo baahida loo qabo in la bilaabo geeddi-socodka doorashooyinka, iyada oo laga hor tegayo dib u dhac dambe.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu shaacinayaa jadwalka ugu dambeeya ee doorashooyinka, iyadoo la raacayo shaxda doorashada 29 Juun, habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 Maajo lagu heshiiyay oo ay si wada jir ah u wada saxiixeen dhammaan madaxda maamullada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker