Madaxwayne Rouhani Oo ka Digay sii Joojitaanka Ciidamada Maraykanka Ee Gacanka Persian.

Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani ayaa sheegay in amni daro gobolka ku keeni karto sii joogitaanka ciidamada Maraykanka ee gacanka Persian.

Rouhani oo hadal ka jeedinayay telefishanka dowladda ayaa ka digay sii joogitanka ciidamada shisheeye ee  ku sugan gacanka Persian, waxa uuna yidhi; “Ciidamada shisheeye waxay u horseedi karaan dhibaatooyin iyo nabadgelyo-xumo dadkeenna iyo gobolkeenna ku timaada,”

Hoggaamiyaha Iiraan ayaa sheegay inuu qorsheynayo in Qaramada Midoobay u soo bandhigo qorshe iskaashi ga gobolka ah oo ah mid nabadeed.

Sidoo kale afhayeenka Aqalka Congreska Maraykanka Nancy Pelosi ayaa  U  dhalleeceysay qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee ciidamo militriga Mareaykaka oo dheeri ah iyo qalabka difaaca hawada loogu diro dalka Sacuudi Carabaiya iyo Imaaraadka, iyadoo ku tilmaantay isku daygii ugu dambeeyay ee uu maamulka Trump uu baal-marayo congresska.

Dhinaca kale Raiisel Wasaaraha Australia Scott Morrison, oo booqasho rasmi ah ku tagey Aqalka Cad Jimcihii, ayaa sheegay in dalkiisa aan loo jiheyn doonin isku dhac militari oo ka dhex dhaca maraykanka iyo Iran.
Morrison ayaa sidoo kale sheegay in balanqaadka Australia ee khaliijka uu ku xaddidan yahay xorriyadda marinka badda ee Hormuz.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker