Hoggaanka Kooxda Al-Qaacida Oo Ka Hadlay Weerarkii Nairobi Ee Ay Fuliyeen Al-Shabab

Muqdisho (OWN) Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay hoggaanka kooxda Al-Qaacida, ayaa lagu bogaadiyay weerarkii kooxda Al-Shabaab ee ururkaas hoos-tagta ay ka fulisay magaalada Nairobi.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay Al-Qaacida oo lagu baahiyay baraha Internet-ka, ayaa lagu sheegay in weerarkaas iyo weeraro kale oo ka dhacay meelo kale oo dunida ka mid ah, ay jawaab celin u ahaayeen go’aankii uu madaxweynaha Mareykanka uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.

“Waxaan taageeraynaa oo aan barakeynaynaa howlgalladii Qudus Lantahawad oo midda ugu daran ay fuliyeen gacmaha mujaahidiinta Geeska Afrika, oo la beegsaday gaalada iyo Mareykanka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howl-galkaas ay fuliyeen Afar ka mid ah ciidamada loogu magac darar  Jeyshul Cusrah, oo ah ardaydii Saalax Cali Alnabhaani.

Magaca Jeyshul Cusrah ayaa loo yaqaan maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana magacaas bixiyay Abuu Yaxye Al-liibi oo kamid ahaa Hoggaamiyaasha Al Qaacidda mar uu hadal gaar ah usoo diray Soomaaliya sanaddii 2007.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker