Wiilka madaxweynaha Uganda ee horay ugu hanjabay Kenya oo go’aan ka qaatay shaqadiisa

Wiilka Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu sanadkan ka fariisan doono shaqada ciidamada, ka dib ku dhawaad muddo ​​sodon sano ah oo uu ka shaqeynayay.

Muhoozi Kainerugaba, oo ah jeneraal ka tirsan ciidamada, ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay Twitter-ka. “Waxaan ka fariisan doonaa UPDF sanadkan,” ayuu ku soo qoray Twitter-ka.

Wuxuu sidan oo kale ku shaaciyay barta Twitter-ka bishii March ee sanadkii hore markaas oo uu ahaa taliyaha ciidamada dhulka. Balse ciidamada ayaa sheegay in aysan si rasmi ah u helin codsiga shaqa ka tagidda ee Mr Kainerugaba.

Hadalkiisii ​​ugu dambeeyay ee shaqa ka tagidda ayaa imaanaysa maalmo kadib markii uu tirtiray qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in uu u tartami doono xilka madaxtinimada sanadka 2026-ka.

Jeneraalka ayaan ka amuusin hammigiisa ah in uu xilka ugu sarreeya kala wareego Aabihii oo 78 jir ah, kaas oo Uganda hoggaaminayay tan iyo 1986-kii.

Sharciga Uganda ma ogola in askarta u adeegaya dalka ay ka qayb qaataan siyaasadda.

Social embed from twitter

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker