Hindiya oo sameysatay markabkii ugu horreeyey oo diyaaradaha xambaara

Hindiya ayaa marki ugu horreysay gudaha dalkeeda ku sameysatay markabkii ugu horreeyey oo diyaaradaha xambaara.

Xaflad subaxnimada saaka oo Jimca ah lagu qabtay gobolka Kerala oo ku yaalla koonfurta dalka Hindiya waxaa xarigga looga jaray markabka diyaaradaha qaada kana duulaan ee ‘Vikrant.’

Ra’isal wasaaraha Hindiya Rarendra Modi oo markabkaasi xariigga ka jaray wuxuu sheegay ciidamada badda iney ku tallaabsadeen horumar taariikhi ah oo abid ugu qiimaha badnaa.

Markabkan cusub oo culeyskiisu yahay 45,000 tan, ballaciisuna yahay 262 mitir, dhererkiisuna yahay 60 mitiri hindisahiisa in la sameeyo waxay soo billaabatay 13 sano ka hor.

Sameynta Markabkana waxay Hindiya ku bixisay dhaqaale gaaraya 2.5 balyan oo doolar.

Wuxuuna markabkan uu awood u leeyahay halki mar inuu xambaaro 30 diyaadood.

Maraakiibta ugu waaweyn ee diyaaradaha xambaara oo caalamka ka jira waxay kala yihiin Markab ay leeyihii ciidamada badda boqortooyada UK oo qaada 40 diyaaradood iyo Markabka Nimtz uu Mareykanka leeyahay oo qaada 60 diyaaradood.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker