Somaliland oo Gobolka Maroodi jeex ka bilawday wejigii labaad ee qaadashada talaalka covid-19

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ayaa maanta Gobolka Maroodi jeex ka bilawday wejigii labaad ee qaadashada talaalka cudurka covid-19.

Isuduwaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Maroodi Jeex Dr. C/casiis Cumar Muuse, ayaa sheegay in ay guud ahaan gobolka Maroodi jeex ka bilaabeen wejiga labaad ee talaalka waxaanu xusay in cudurkan oo dunida si weyn ugu faafay uu weli dalka ka jiro isaga oo ugu baaqay bulshada Somaliland in ay qaataan talaalka.

Isuduwaha ayaa kala diray gaadiidkii talaalkaasi u qaadayay degmooyinka iyo degaanada kala duwan ee hoosyimaada gobolka Maroodi Jeex.

Qaar kamid ah dadweynihii ka faa’iidaystay wejiga labaad ee Talaalka ayaa sheegay in aanay wax dhibaata ah kala kulmin Talaalka iyagoo bulshada inteeda kalena ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan.

Geesta kale qaar ka mid ah xildhibaanada golaha Guurtida ee Somlailand oo maanta qaatay wejiga labaad ee talaalka Korona Fayras ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan talaalka maadama oo cudurkani leeyahay ka hortag ee aanu daawo lahayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker