Wasiir Bayle Oo Dalka Maraykanka kula kulmay Qurba joogta Soomaalida ee dalkaasi ku dhaqan

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka qeyb galay shirka Qurba-Joogta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaaldaasi.

Wasiir Beyle oo Khudbad ka jeediyay shirka Qurba-Joogta Soomaaliyeed ayaa faah faahiyay guulaha dhaqaale oo dalka gaadhay iyo horumarrada kale oo la tiigsanayo.

Soomaalida Qurbaha ku nool ayuu ku ammaanay Wasiirka Maaliyada dadaalka iyo dhaqaalaha ay u soo dirayan dalka Soomaaliya,taasi oo uu sheegay in wax badan ka qabatay baahiyaha qaar ee dalka ka jiray.

 

Qurba-joogtaa Soomaaliyeed waxbadan ayay dalka u qabteen, kabadan ayaa wali looga sii baahanyahay, horumarka Soomaaliya cid marti ka ah ma jirto qurbe ama kuwa qarnka jooga, waa inaan wadajir uga wada shaqeynaa dalkasta dadkiisa ayaa dhisa, Soomaaliya Soomaali uunbaa dhisi karta, ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qeyb gali doona shirar ku saabsan horumarka Maaliyadda dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker