AHN Ra’isul Wasaarihii Hore Ee Somaliya Hasan Abshir Oo ku Geeriyooday Turkiga.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dowladii KMG ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay dowladahii kala duwanaa ee  Soo maray Dalka Somalia dalka  ayaa ku geeriyooday dalka Turkiga .

 

 

Xasan Abshir Faarax oo ahaa rugcadaa siyaasadeed ayaa xanuun aan wali la shaacin ugu geeriyooday dalka Turkiga uu ku sugnaa, waxaana geerida masuulkan hore ka tacsiyadeeyay masuuliyiin kala duwan.

 

 

Ilaah ha u naxariistee Xasan Abshir Faarax ayaa caan ka ahaa siyaasada Soomaaliya, waxa uuna soo noqday Duqii magaalada Muqdisho xiligii kacaanka, waxa uu sidoo kale xilal kala duwan ilaa heer Ra’isul Wasaare kasoo noqday dowladihii dalka isaga dambeeyay.

 

 

Geerida Xasan Abshir ayaa kusoo aadeysa xili xalay sidoo kale magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo kamid ahaa aas aasayaashii Puntland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker