Wararkii Ugu Danbeeyey Ergeda Doorashada Somaliland Ee Baarlamanka Soomaaliya Ee La Dilay

Ugu yaraan lix ka mid ah ergeda dooranaysay xildhibaanada deegaanada Somaliland ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu dilay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay is goyska Ceelgaabta ee degmada Xamar-Jajab halkaas oo ah is goys si wayn loo ilaaliyo kana mid ah eridaha laga galo Madaxtooyada Soomaaliya. Waxayna ergadu kasoo laabatay codaynta xildhibaanada.

Kooxda alShabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weeraradaas oo ay sheegtay in ay sii wadi doonto beegsashada ergada doorashooyinka, xili uu weerarkani ahaa kii ugu horeeyay ee ay ku qaado ergeda doorashada Soomaaliya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker