Dagaalka Turkiga ka wado Syria oo weji cusub yeeshay kadib go’aanka dowlada Syria

Damascus (OWN) – Kooxda Kurdiyiinta ayaa sheegay in dowladda Suuriya ay ku heshiiyeen in ciidamadamo ay usoo dirto xadka waqooyi si ay meel ugasoo wada jeestaan duulaanka ay halkaasi ka wado dowladda Turkiga.

Warbaahinta qaranka ee dowladda Suuriya ayaa warisay in ciidamada dowladda ay ka hawlgalayaan goobahaasi.

Arintan ayaa daba socoto go’aan ay dhawaan qaadatay dowladda Mareykanka oo ahaa in ciidamadeeda ay halkaasi kala baxdo.

Duulaanka Turkiga oo bilawday todobaadkii hore ayaa ujeedkiisu yahay sidii halkaasi lakaga saari lahaa dagaalyahanada  Kurdiyiinta, oo uu Turkigu u arko falaago Aggagaxisa ah.

Tan iyo markii uu weerarku bilawday tobanaan ruux oo shacab iyo dagaalamayaal labada dhinacba ah ayaa ku dhintay, halka tobonanaan kun oo kalana ay ku barakaceen.

Kurdiyiinta oo in mudo ah Mareykanka ka gacan siinayay ladagaalanka Daacish ayaa sheegay in Mareykanku qiyaameeyay, gadaalna uu ka toogtay.

Tiro shacab ah ayaa isaga qaxay deegaanada xadka, waxaana sidoo kale ku dhintay weerarada ciidammo ka tirsan labada dhinac.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker