Kenya oo markay Awood Ay Iskaga Caabido U wayday Alshabaab u Qayshatay Marakanka

Muqdisho (OWN) – Mareykanka oo qeyb ka ah dalalka la dagaalama Al-Shabaab ayaa haatan sare u sii qaadaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dowladda dalkaasi ayaa shaacisay inay Kenya u soo direyso Saraakiil sare sare oo ay sheegtay inay Kenya ka caawin doonaan, sida ay uga hortagi laheyd weerarada Al-Shabaab.

 

Saraakiisha uu Kenya u soo dirayo Mareykanku oo aan la shaacin Tiradooda ayaa ka tirsan Ha’yadda dambi baadhista dalkaasi ee loo soo gaabiyo FBI-da.

 

Sidoo kale dolwadda Mareykanka ayaa tilmaamtay in saraakiisha ay U soo direyso ciidamada Kenya, gaar ahaa kuwa la dagaalama Argagixisada ay ka taageeri doonaan dhinacyada tababarada iyo sidoo kale Baadhitaanada ay Sameeyaan Ciidamada Kenya.

 

 

Kenya ayaa sidoo kale ku dhowaad 50 Sarkaal oo ka tirsan ciidankeeda u dirtay dalka Mareykanka, kuwaas oo Tababar muhiim ah ku soo qaadanaya Machadka tababarada hay’adda FBI-da oo ku yaalla gobolka Varginia ee dalkaasi, kaas oo soconaya sadex bilood.

 

 

Mareykanka ayaa saldhig ciidan ku leh gudaha Kenya, kaas oo dhowaan ay Weerar khasaare badan geystay ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

 

Hadalkan ayaa ka soo yeedhay dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale ku soo Aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay kordheen weerarada Al-Shabaab ee dalka Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker