Shaqo joojin lagu sameeyay maareeyihii hay’adda duulista Hawadda Soomaaliya

Muqdisho:- (OWN) War Qoraal ah oo soo gadhay Warbaahinta ayaa lagu sheegay  in shaqo joojin lagu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

Qoraalkan oo ka soo baxay Wasiirka Duulista Hawadda dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa ku soo baxday 9kii bishan oo ku beegneyd maalintii shalay, waxaana xilka Maareeyaha hay’adda Duulista Hawadda si KMG loogu magacaabay ku-xigeenka hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawadda Axmed Macalin Xassan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xil ka qaadistan ku timid arrimo la xidhiidha khibrad yari dhinaca Aqoonta Saadaasha Hawadda ah iyo Wax Is-dab-marin lagu eedeynayo mas’uulkan shaqo joojinta lagu sameeyay, waxaana Qoraalka ka soo baxay Wasiirka ku xusan in si loo dar-dargliyo howlaha Wasaaradda loo baahnaaday isbadal-kan.

Yuusuf Jaalle ayaa xilkan loo magacaabay 6dii bishii April ee sanadkii hore 2017da kaddib wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Akhriso Qoraalka :

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker