Ninkii Sameeyay Gantaalka Guuxiisa ka Dheereeya Oo Abaal Marin Qaali ah La Gudoonsiiyay.

Dowlada Ruushka ayaa sameesatay gantaalada casriga ee guuxooda ka dheereeya ee loo yaqaano hypersonic, waxa ayna gantaaladan sare u qaadeen awooda ay leeyihiin ciidamada Milatariga dalkaasi.

Gantaaladan casriga ah ee guuxooda ka dheereeya waxaa sameeyay ama ikhtiraacay nin lagu magacaabo Herbert Efremov, waxa uuna ninkan magac iyo sumcad badan ku yeeshay gudaha dalkiisa kadib markii uu sameeyay hubkan casriga ah.

 

Madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa gudoonsiiyay abaalmarinta ugu sareysa dalkiisa ninka sameeyay ganaatalada hypersonic ,oo lagu magacaabo Herbert Efremov, waxa uuna Madaxweynaha ninkan ku tilmaamay halyey Qaran.

 

Vladimir Putin, ayaa ku faanay in dalkiisa awood dhinaca hubka ah siisay gantaaladan cusub ay sameesteen, waxa uuna sheegay in milatariga Ruushka in hubka casriga ah siisay sareyntii ugu sareesay sanadahan.

Gantaaladan guuuxooda ka dheereeya ee Ruushku sameestay ayaa waxa ay awood u leeyihiin inay xambaaraan madaxyada Niyukleerka, waxa ayna gantaaladan awoodaan in ay gaaraan 100 kiilo mitir.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker