Afhayeenkii Aqalka Wakiillada Mareykanka oo xilkii laga qaaday

Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa wajahaya maalmo jaha-wareer ah ka dib markii koox yar oo ka tirsan Jamhuuriga mayalka adag ay ku qasbeen afhayeenkii Kevin McCarthy inuu xukunka ka dego.

Mr McCarthy ayaa si dirqi ah ku lumiyay kalsoonidii wakiillada iyadoo mid ka mid ah saaxiibbadiisa Jamhuuriga,oo lagu magacaabo Matt Gaetz, uu mooshin ka gudbiyay.

Waa qofkii ugu horeeyey taariikhda Maraykanka ee aqalka wakiillada ka waaya kalsoonida lagana laga tuuro xilka. Xil ka qaadistiisa ayaa soo afjareysa is qabqabsi ka dhex jiray xisbiga Jamhuuriga oo u dhaxeeyay Donald Trump oo taageersan garabka midig iyo xubno dhexdhexaad ah.

Mr Gaetz oo aad u faraxsan ayaa bogaadiyay natiijada,Mr McCarthy uu kalsoonidii ku waayay.

Waxaa lagu eedeyay Afhayeenkii hore inuu heshiis qarsoodi ah la galay Aqalka Cad si uu u sii wado maalgelinta Ukraine, iyo in su’aa la galiyay hoggaamintiisa gudaha aqalka wakiillada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker