Shuruudaha Lagu Xidhay Wiilka Sheikh Zakir Naik Ee Loo Raadinayo Gabadh Uu Guursado

Sheekha caanka ah ee u dhashay dalka Hindiya, Zakir Naik, ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu wiilkiisa ugu raadinayo gabadh uu guursado.

Qoraalka Sheekha ayaa waxaa la socda waraaqo ay ku qoran yihiin macluumaadka wiilkiisa iyo shuruudaha laga rabo gabadha uu la doonayo wiilkiisa Fariq.

“Waxaan xaas u raadinayaa wiilkayga Fariq, Waxaan u rabaa Gabar Muslim ah oo suubban oo leh akhlaaq wanaagsan, si ay wiilkayga iyo xaaskiisu u noqdaan laba qof oo midba midka kale u sheego wanaagga.”

Haddaba wax ogow wiilka uu dhalay Sheikha ee gabadha loo raadinayo

 

Fariq Zakir Naik, waxa uu dhashay 10-kii bishii July 1994-tii, dheererkisu waa 170 sentimitar. wuxuu hadda ku nool yahay magaalada Putrajaya ee dalka Malaysia.

Waxa uu ku hadlaa ku dhawaad afar luuqadood oo kala ah Ingiriis, Carabi, Urdu iyo Hindi.

Wuxuu waxbarashadiisa heerka shahaadada kowaad ee shareecada Diinta Islaamka ka soo qaatay Jaamacadda Islaamiga ee Imam Maxamed bin Saud ee ku taalla Riyaadh, Sacuudi Carabiya.

Fariq waa xaafidul Quraan ku guulaystay abaalmarinno badan.

Waa daaci khudbado diimeed ka jeediyay dalal badan oo ay ka mid yihiin Sucuudiga, Qatar, Talyaaniga, Bahrain,Gambia iyo kuwa kale oo badan.

sharuudaha gabadha loo raadinayo waxaa ka mid ah:

1. In ay tahay gabadh Muslimad ah, ayna ugu dhaqanto sida ay diinta fareyso.

2. In sunnada ay aad ugu dedaasho inta karaankeeda ah.

3. In luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga ay taqaano.

4. In ninkeeda ay ku dhiiragelin karto dadaalka dawcwadda

5. In ay xaafidul Qur’aan tahay.

5. In ay diyaar u tahay in Malaysia ay degto.

6. In Shahaadadaa Koobaad ee ‘Bachelor Degree’ ay ka haysato diinta Islaamka.

7. In ay dhageysatay dhowr daaci oo ku wacdiya luuqadda Ingiriiska iyo qaar kale oo ku xussan warqadda hoose ee uu soo qoray Dr Zakir Naik.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker