Nin qof ku soo dilay Mareykanka oo ka baxsaday xabsi ku yaalla Kenya

Nin kasoo baxsaday dalka Mareykanka ka dib markii lagu eedeeyay inuu dilay saaxiibtiis ayaa u suurtagashay inuu ka baxo saldhiga booliska Kenya.

Kelvin Kangethe, oo 41 jir ah, ayaa la xiray todobaadkii hore, xilli uu ka soo baxayay goob lagu caweeyo oo ku taala Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, ka dib muddo bilo ah oo ay ku daba jireen masuuliyiinta Kenya iyo Mareykanka.

Maxkamad ayaa ogolaatay in xabsiga lagu sii hayo muddo 30 maalmood ah iyadoo la sugayo in lagu soo wareejiyo.

Maamulka ayaa sheegay in kadib markii Mr Kangethe uu dilay saaxiibtiis bishii October ee lasoo dhaafay, uu meydkeeda kaga tagey gaari uu saarnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boston Logan.

Dabadeed waxa uu raacay diyaarad ku wajahaneyd dalka Kenya oo uu asal ahaan ka soo jeedo.

Ma uusan ka hadlin eedeymaha loo jeediyay.

Booliska Kenya ayaa Kenyanka ka naxiyay kadib markii ay shaaciyeen in Mr Kangethe uu ku guuleystay in uu ka baxo Saldhigga Booliska ee Muthaiga oo uu ku xirnaa gelinkii dambe ee Arbacada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker