Wiilal Soomaali ah oo dhawaan galay Canada oo ku dhintay shil baabuur

Gobolka Alberta ee dalka Canada waxaa ka dhacay shil baabuur oo uu ku dhintay hal wiil oo Soomali ah halka laba kalena uu dhaawac ka soo gaaray, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaal.

Laba kamid ah wiilasha ku waxyeeloobay shilka ayaa todobaadyo un ka hor galay dalkaasi.

Wiilka dhintay ayaa magacisu yahay Muxumed Muuse Muxumed labada dhaawacu soo gaaray ayaa kala ah Maxamed Xassan Ibraahim iyo Mustaf Cismaan Maxamed.

Wiilasha ayaa ka baxay magaalada Calgary ee gobolka Alberta waxayna ku sii jeedeen magaalo kale oo ku taala isla gobolkaas ka hor intaysan shilka galin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker