Qaylodhaan Biyo La’aaneed Oo Ka Soo Yeedhay Gobolka Buuhoodle

Waxgaradka Gobolka Buuhoodle ayaa sheegay in deegaannada gobolkaasi ay u baahan yihiin Gurmad biyo dhaamis ah. Sidaasna waxa sheegay  Maxamuud  Xuseen Jibriil oo ka mid ah Waxgaradka gobolka Buuhoodle ayaa  sheegay in wax roob ah oo laga cabay weli ka da’in degmooyinka Buuhoodle, waxaanu tilmaamay in gobolkaasi ay ka jiro baahi biyo la’aaneed oo u baahan gurmad degdeg ah. Oday Maxamuud  Xuseen Jibriil wuxuu sheegay in ay fadhiisteen ceel biyoodyada Xadhadhanka iyo Qabri-huluul, arrintaasina ay saameynta biyo yaraanta  ka jirta deegaannadaasi.

 

Waxa kaloo uu  u mahadceliyey Hay’adda Save Children oo biyo-dhaamis u sameysay dhawaan Sagaal tuulo oo ka mid deegaannada Buuhoodle. Maxamuud Xuseen Jibriil wuxuu ugu baaqay Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland inay wax ka qabato ceelasha xumaaday isla markaana gurmad biyo dhaamis ah u sameysto bulshada Gobolka Buuhoodle. Geesta kalena, Isku-duwaha Wasaaradda  Horumarinta Biyaha ee Gobolka Buuhoodle, Axmed Cabdilaahi Sh. Cumar oo aanu la xidhiidhnay ayaa   xaqiijiyey  in Wasaaradda horumarinta Biyuhu ay ku hawlan tahay sidii loo dayactiri lahaa Ceel biyoodyada Gobolka Buuhoodle isla markaana aanay waxba kala hadhaynin sidii wax looga qaban lahaa biyo la’aanta  ka jirta gobolka Buuhoodle.

 

Axmed Cabdilaahi Sh. Cumar Iskuduwaha  Wasaaradda Horumarinta Biyaha gobolka  Buuhoodle,wuxuu xusay in 19 tuullo oo ku yaalla galbeedka Buuhoodle ay u baahan yihiin biyo dhaamis, waxaanu Hay’adaha ka shaqeeya Biyaha ku boorriyey inay ka qeybqaataan gurmadka biyo dhaamiska ee looga baahan yahay Gobolka Buuhoodle.

 

Iskuduwuhu wuxuu uga mahadceliyey kormeer Wasiirka Biyuhu dhawaan ku tagay qaybo ka mid ah gobolka  Buuhoodle, oo uu indhihiisa ku soo arkay baahida dhinaca biyaha ee ka jirta deegaannadaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker