Wada-hadalada U dhexeeya Dawlada Fd Somalia iyo Somaliland Waa Xaaraan,,Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Garoowe (OWN) – Guddoomiyaha baarlamaanka Maamulka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil oo maanta hadal ka jeediyey furitaankii shirka Wadatashiga Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay wadahadallada Loo gogol xaadhayo in ay isku soo hor fariistaan Dowladda federaalka iyo xukuumadda Somaliland.

 

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sheegay in aysan marnaba Aqbali doonin wadahadallo dhex mara dowaladda dhexe iyo Somaliland, oo aysan qeyb ka aheyn Puntland, kuwaas oo hadii ay qabsoomaan uu ku tilmaamay kuwo xaaraan  ah.

 

“Waxaa jira Wadahadallo Dowladda federaalka  Somalia ay ku baaqday oo ay leedahay waxaan la galeynaa Somaliland, wadahadalladaas iyo Ergooyinka ay dowladda federaalku sameysay, waxaan u arkaa in aysan sax aheyn xaaraamna yihiin.

 

Waxaan  Ku Sababeynayaa Soomaaliya halka lagu wado, waa mid la doonayo in wadahadalladaas ay dhex maraan koonfur iyo waqooyi oo hadii lagu heshiiyo laba gobol wax loo qeybsado, marka  Puntland xagey ku dambeyneysaa?   Ayuu Iswaydiiayay Gudoomiyuhu , In aan ka baxno Khariiradda ma yeeli doonee” ayuu yidhi guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil.

 

 

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay in uu ka mid yahay xubnaha ugu sareeya ee Puntland ku metela gobollada Sool iyo Sanaag oo Puntland iyo Somaliland ay isku heystaan maamulkooda.

 

Waxuuna ku Hanjabay  in aysan Puntland aqbali doonin wadahadallo dhexmara dowladda federaalka iyo Somaliland oo aysan iyadu majaraha u heyn.

 

“Anigu waxaan ka mid ahay mas’uuliyiinta Puntland ku metela gobollada waqooyiga Puntland ee Sool, Sanaag iyo Ceyn, mayeeli doono wadahadallo aysan Puntland hoggaamineyn oo inta dad meel la iskaga soo uruursado lagu ydhaho waxaad meteshaan gobolladaas anagu mayeeli doono” ayuu hadalkiisa sii raaciyey guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf.

 

 

Ugu dambeyntii guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa dadka reer Puntland ugu baaqay in ay iimaansadaan dowladooda inta dalku iska raacayo oo laga ansixinayo dastuur lagu Heshiiyey.

 

 

“Shacabka reer Puntland waxaan ku baraarujinayaa walaalayaal 21-sano iyo sideed bilood ayaan maanta jirnaa, dal iyo dowlad ayaan leenahay, hoggaan dhisan ayaan leenahay, dowlad madax banaan oo shaqeysa oo dastuurkeeda qodobka 4aad uu u ogolyahay inta Soomaali iskaga imaaneyso oo dastuur federaal ah lagu heshiinayo ayeynu nahaye, taas iimaansada oo ku shaqeeya, xuduudaheena iyo dalkeenana cidna wax ka weydii meyno”ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker