Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo ka Hadlay Xaaladda Dad Sumoobay iyo Raashin uu Gaadhsiiyay Garadag iyo Ceel Afweyn

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dad xaflad aroos ku sumoobay degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag iyo kooxo caafimaad oo gurmad loogu diray.

 

Waxaa kale oo uu ka hadlay socdaal uu shalay ku tegay degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-afweyn oo uu raashin taakulo ah gaadhsiiyay isla markaana loogu qaybiyay 1500 oo qoys oo kala deggen degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-afweyn, waxaanu tilmaamay in xaaladda nabad gelyo ee deegaanka Ceel-afweyn ay haatan deggantahay isla markaana aanay ka jirin wax dhibaato ahi.

 

Guddoomiyaha waxa uu intaa ku daray in ay sugayaan gudigii heer qaran ee gelayay arrinta nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah ee deegaanka Ceel-Aweyn dirirtu ku dhexmartay.

 

Ugu horrayn guddoomiye Timbaro oo ka hadlayay dad xaflad aroos ku sumoomay deegaanka Xiingalool iyo siday ugu gurmadeen, ayaa yidhi “xalay (habeen hore) 27 qof ayaa ku sumobay xaflad aroos magaalada Xiingalool, markii warku na sogaadhayna waxaanu u dirnay kooxo caafimaad dadkana shuban,ayaa ku dhacay waxaanay cabbeen caano uuku dhacay Mas sida ay u badan tahay, dhammaan dadkiina aad ayay u wacan yihiin oo waa la daweeyay imikana xaalad laga dayriyo ma qabaan oo markii la daweeyay ee shubankii laga joojiyayba way wada ficnaadeen cid ku dhimatay ama xaalad culus gashayna ma jirto.”

 

Guddoomiyaha oo wax laga waydiiyay socdaalka uu shalay ku tegay degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-afweyn, ayaa ku jawaabay “saaka (shalay) waxaan socdaalku tagnay degmooyinka Ceel-afweyn iyo Gar-adag waxaanan labada degmoba aanu gaadhsiinay raashin taakulo ah oo loogu talo galay dadka abaarihii ku tabaaloobay degmada gar-adag waxaanu gaadhsiinay shan boqol oo qoys raashinkood Ceel-afweyn-na waxaanu gaadhsiinay kun qoys raashinkood,raashinkaas oo ah mid aad u wagaagsan oo tayadiisu ay sarrayso oo nafaqo leh waxaana ku deeqday Al-Khaliifa fondhayshin.”

 

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay dad dhawaan ka cabanayay raashin lagu qaybiyay Ceerigaabo oo ay sheegeen in dadkii loogu tago lagay aan la gaadhsiin, ayaa yidhi “horta inta TV-yada ka hadlaysaa waa inta ugu ladan dadka oo doonaya in dadka jilicsan wax loogu dhiibo oo raashinka dadka tabaalaysan loogu talo galay doonaya in ay gacanta ku dhigaan laakiin dadka baahani TV-yada kama hadlaan halkay joogaan,ayaanan ku gaadhsiinay raashinkii loogu talo galay dadkii u baahnaa,waxaanan awoodda saaraynaa inta kalena in aanu dadka magaalada Ceerigaabo ka baxsan ee tuulooyinkaiyo miyiga ku baro kacay in aanu gaadhsiino mucaawimooyinkana waxaanu u badinaynaa dhanka miyiga iyo tuulooyinka.”

 

Guddoomiyaha oola waydiiyay xaaladda nabad gelyo ee deegaanka degmada Ceel-afweyn,ayaa yidhi. “guud ahaan gobolku waa nabad gelyo gaar ahaan xaaladda degmada Ceel-afweyn aad ayay u wanaagsan tahay waana nabad gelyo waxdhibaato ahina kama jirtaan,waxaa keliya ee aanu sugaynaaimika waxay tahay in ay noo yimaadaan gudigii nabadaynta ee heer qaran ee madaxweynaha Somaliland u saaray arrinta labada beelood.”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Timbaro oo xalay khadka taleefanka ugu warramay wargayska Dawan isagoo ku sugan Ceerigaabo Xarunta gobolka Sanaag.

 

Guddoomiyaha gobolka Sanaag

Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro),

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker