Gudoomiye Khaliif Waxaa Hortaala Innuu Laba Darran Mid Doorto Xaalada Dagaalka Ka Socda Laascaanood

Gudoomiye Khaliif Waxaa Hortaala Innuu Laba Darran Mid Doorto Xaalada Dagaalka Ka Socda Laascaanood

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo Markii Labaad Dhawaan Dib ugu Noqdey Magaalada Laascaanood, ayaa Wakhtigan aanney ka Fursaneynin in Xaalada Dagaalka Taagan uu Saameyn Ku yeesho inuu Ka badheedho Kaalintiisa.

Marka si dhab ah hoos loogu dhaadhaco Wacyiga Xaqiiqda ah ee Xiligan iyo Sida uu uga Madax Diinleynayo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu, Waxey Mugdi galineysaa Guud ahaanba Doorkiisa Siyaasadeed, taas oo ay Hortaalo innuu Mawqif adag iska taago Xataa hadii uu kaga Tagayo Xilka uu Ka hayo Somaliland taas, oo ay Miiska u Saaran Tahey innuu Xukuumadda la safto iyo inuu is Barbar taago Garaadada iyo Go,aankooda Mana Jirto Sabab Kale oo ka horjoogsan Karta Duruufaha Ku Xeeran Mansab ahaan iyo Qof ahaan.

Haddiiba ay dhacdo, innuu ka badheedho Gudoomiye Khaliif, Waxa uu Saluugsan Yahey Dhinaca Xukuumadda iyo Madaxweynaha ma aha Markii u horeysay oo Gudoomiye Kasoo jeeda Sool Go,aan toos ah la qaato Garaadkiisa Waxay Noqonaysaa Mid lamid ah Go aankii uu Somaliland kaga tagey Axmed Cabdi Xaabsade isagoo ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Kadib Markii ay Is Diideen Madaxweyne Cigaal iyo Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker