Wasiir Goodax Barre oo ka Badbaaday Qarax Loo Dhigay

Beled-Xaawo (OWN) – Wararka naga soo gaadhayo Gobolka Gedo ee Dalka Somalia  ayaa sheegaya in Sii haya Xilka Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cadbulaahi Goodax Barre uu ka badbaaday qarax lala eegtay.

 

 

Wasiir Goodax Barre iyo wafdi la socdo ayaa qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso lagula eegtay inta u dhaxeyso Beled-Xaawo iyo Doolow.

 

 

Wararka ayaa sheegayo inuu wasiirku ka badbaaday isku daygaas lagu doonayey in lagu dilo, wuxuuna qaraxa haleelay mid kamid ah gawaaridii la socday Wasiirka.

 

 

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo in qaraxaas uu ku dhaawacmeen laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu kala magacaabo Maxamuud Cali magan iyo Cabdicasiis Dhaga-qool.

 

 

Dhaawacyadaa labadaan Xildhibaan ayaa lagu soo qaaday diyaarad, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo la keeno Magaalada Muqdisho.

 

 

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin weerarkaas lagu qaaday kolonyada uu socday Wasiirka Waxbarashada sidoo kalana ma jirto weli koox sheegatay inkastoo weerarada noocaan oo kale ah looga bartay kooxda Al-Shabaab.

 

 

Wasiir Goodax Barre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Gobolka Gedo, wuxuuna ujeekooda yahay inay dhagax dhigaan goobo waxbarasho oo ku yaalo deegaanada Gobolka Gedo  oo qeyb-ka ah mashruuca hormarinta dugsiyada waxbarshada dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker